Mayorka Degmada Borama Ha Is Casilo Sababtoo Ah , Badhasaabka Gobolka Awdal Oo U Dhashay Bariga Burco Ayaa ID Card Ka Qaatay Degmada Borama Ee Gobolka Awdal ,Beena Wuu Ku Dhaartay

0
231

Suleiyman Xasan Xadi waa ninka ugu aqoonta yar dhanka sharciga dhamaan Mayorada gobolada galbeedka Somaliland ,waana nin markasta isla weyn isagoo Tv-yada soo horfadhiista kuna hada weedho is maaxduminaya markasta ,waana yar markasta gala bado aanu ku dabaalan karin,shalay ayay ahayd sanadkii tagay bilawgiisii markuu lahaa waxaan xaduud u samaynayaa degmada Baki iyo Gabiley ee soo farogaliyay bariga degnada Dilla isagoo meel dhagaxaan tuulay ku calaamadshay dantiisuna ahayd isku dirka beelaha dega Gabiley iyo Dilla,hada mayd waxaa u dambeeyay kan lasii sido oo ah diwaangalinta Madaniga ee ka bilaabantay gobolka Awdal maanta oo taariikhdu tahay 12 .1. 2015 waxaa degmada Borama iska diwaangaliyay masuuliyiinta heer gobol ilaa heer degmo iyo dad shacab ah.Dadka is diwangalinyay ayaa ah dadka degmada u dhashay waa sax inay qaataan aqoonsigooda lkn waxaa loo baahanyahay in si wadanayadi ku jirto loo ilaaliyo waxii qaladaad ku jira diwaangalinta oo si hufnaan leh loo diwaan galiyo shacabka oo degmadana daacad loo noqdo sow maaha…?

Way fiicantahay in la ID Card qofkastaa yeesho oo la is diwaangaliyo lkn waxaan la yaabay badhasaabka gobolka Awdal oo u dhashay bariga Burco ayaa ayaa faraha ,Indhaha iyo jilbahaba dhigay goobtii lagu qaadayay sawirada ,Sulieyman Xadi ayaa isagoo warbaahinta la hadlaya yidhi “Halkan goobtii ugu horeysay badhaasaabka ayaa ka qaatay ,anaa ka qaatay iyo hadalo ayuu ka jeediyay halkaasi,Badhasaabka Burco waxay ahayd inuu ka qaato ID Cardkiisa Burco iyo degmada uu u dhashay sow maaha mise anaa qaldan….? waxaan ugu baaqayaa Mayorka degmada Borama inuu is ururiyo sharcigana barto meelo aan shaqadiisa ahayna aanu dib dambe u farogalinin oo ku ekaado inuu gudaafada ka xaadho degmada iyo magaalo madaxda gobolka Awdal ee ay shaqadiisu tahay hadii kale haduu iska dayn waayo tuushka uu ordaayo isagay u taalaa . Waxaa jira masuuliyiin badan oo u dhaarta dadka iyo dalka lkn dhamaantood khaainul wadan ah oo aan oofin dhaartii ay mareen oo badanka ku shaqeeya jaanta rogan,Sulieyman Xasan Xadi waxaan leehay ID Cardka ka qaad Badhasaabka Gobolka Awdal oo kasoo celi ilayn waa nin reer Burco ah’e maxaad u daawan in degmada ay iska diwaangaliyaan dad u dhashay degmooyin kale ama gobolo kale…?

MO.Sharif guallab@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here