Maxkamada Gobolka Banaadir oo manta la horgeeyay Sadax Nin oo Muqdisho ku dilay Aadan Xuseen Abaadir

0
244

Muqdisho(SDN)Ciidamada Booliiska Degmada Xamar Weyne ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan Sadax nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Dil Suuqa Degmadaasi loogu geestay Ganacsade lagu magacaabi jiray Aadan Xuseen Abaadir oo maalmo kahor meydkiisa laga dhax helay goobtiisa ganacsi.

Taliyaha Booliska Saldhiga Degmada Xamar-weyne Maxamed Maxamuud Garaare, ayaa sheegay in Ciidamada booliiska baaris dheer kadib ay gacanta kusoo dhigeen sadax nin uu sheegay in ay ka dambeeyeen dil Degmada Xamar Weyne loogu geestay Ganacsade Aadan Xuseen Abaadir.

Sadaxda nin ee loo heesto Dilka ganacsadaha ayaa manta waxaa la horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay ragan in ay qirteen dilka ay u geesteen ganacsadaha , waxa ayna intaa raaciyeen in sadaxdooda ay dilka isla ogaayeen ayna uga gonlahqayeen sidii ay u qaadan lahaayeen lacago uu lahaa.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa Xusay in Kiiskaan uu Muhiimad u leeyahay Laamaha Amaanka ee soo qabtay Ragaan ,waxaana uu sheegay in Maxkamad Dhaqso loo saari doono si loogu qaado ragan dambiga lagu soo eedeeyay ee dilka ah.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dil ku saleesan dhac iyo aanooyin kale, waxaana inta badan dhacda in Ciidamada amaanka ay soo qabtaan dadka dambiilayaasha ah ayna horgeeyaan Cadaalada si looga jaasiyo dambiyada ay galeen.maxkamad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here