Maxkamad ku taalla France Oo Soo Fara Gelisay Mamnuucida Dharka Asturan Ee Dabaasha

0
218

Maxkamadda sare ee Faransiiska ayaa baabi’isay go’aan magaalada Villeneuve-Loubet looga mamnuucay dharka asturan ee lagu dabaasho.

Maxkamaddu waxay sheegtay in mamnuucidan ay si wayn oo cad wax ugu dhimay xoriyadda aasaasiga ah ee dadku u leeyihiin diinta iyo dhaqdhaqaaqa.

Go’aankasi ayaa laga yaabaa in uu tusaale u noqdo soddon magaalo oo kale oo mamnuucay dharka asturan ee lagu dabaasho.

Maxkamadda ayaa gadaal ka gaari doonta go’aanka kama dambaysta ah ee sharci ahaansha mamnuucida dharka asturan ee dabaasha.

Qaryaqaan taagnaa maxkamadda horteeda ayaa sheegay in dadkii lagu ganaaxay in ay dhar asturan qaateen ay dalbadaan in lacagtii ganaaxa loo soo celiyo.

Arrintan waxaa maxkamadda keenay dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa iyo dad ka soo horjeeda Islaam nacaybka.

Mamnuucitaanka dharkan asruran ee lagu dabaasho ayaa dood kulul ka dhaliyay Faransiiska iyo caalamkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here