Maxkamad Ku Taala Dalka Maraykanka Ayaa Dalbatay Wiil Ku Xidhan Dalka Canada+Xogo Ku Saabsan Wiilkaa

0
400

Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Cabdulalahi oo 33sano jir ah ayaa Maxkamad ku taalla Canada xukuntay in lagu wareejiyo Mareykanka , wiilkan ayaa lala xiriiriyey inuu ka qeyb qaatay abaabulka iyo taageerada kooxda ISIS ee ka dagaalamaysa Syria .

 

Maxkamadda Magaalada Edmonton ee Canada waxay sheegtay in Cabdullahi iyo dhallinyaro ay ehel iyo saaxiibo yihiin siwacan uga wada shaqeeyeen dagaalka ISIS ee ka socda Syria , waxaa lasoo bandhigay xogo lagu soo oogayo in Cabdulaahi uu qeyb arrintaasi ka yahay, sida dhallinyaro la diray , kuwo ku dhintay dagaalka, fariimo email oo la is dhaafsaday, iyo lacago la sheegay inuu diray.

 

Maxkamadda waxaa laga hor sheegay in Wiil Bashiir la dhaho oo ay ilmaadeeryihiin Cabdulaahi ay heshis la gashay Hay’adda Sirdoonka Mareykanka si uu xogta kooxdan usoo gudbiyo, wiilkaasi ayaa lagula heshiiyey $173,000

 

Xukunka Maxkamadda ee ah in Cabdulaahi lagu wareejiyo Mareykanka maahan kan kama danbeysta ah , balse waxaa la sugaya inuu saxiixo go’aankan Wasiirka Cadaalada ee Canada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here