Maxbuus Ku Geeriyooday Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

0
104

Hargeysa (SDN) Maxbuus lagu magacaabi jiray Ibraahim Ismaaciil Gahayr ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday xabsiga Dhexe ee Magalada Hargeysa, waxanay wararku sheegayaan in uu u dhintay xanuunka Joonis-cadka oo hayey.

Maxbuuskan oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska Somaliland ayaa ku xukunaa afar sano oo xadhig ah waxana  la sheegay in uu maalmahanba la il-darnaa xanuunka Joonis-cadka, kaasoo ay ciidanka Xabsigu  ka dhago adaygeen inay gargaar u fidiyaan markii uu cabasho la xidhiidha xanuunkiisa u gudbiyey madaxda qaybta uu ku xidhnaa.

Maxbuuskan oo ku jiray Qaybta-5 ee qaybta hoose ee xabsiga ayaa saaka loo qaaday Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loogu baadho sababta dhimashadiisa ka danbaysay.
Suradnews.com
Hargeysa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here