Maxakamadda Dastuuriga Ah Oo Go’aan Ka Soo Saartay Khilaafkii Arimaha Dooroshooyinka

0
209

Hargeisa(SDN)Maxakamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay dacwadii ku saabsanayd muranka ka dhashay muddo kordhinta xukumadda iyo wakiillada.

 

 

 

Maxakamadda ayaa ka gar naqaysay go’aankii guurtidu 11-kii May mudo xileedka ugu kordhisay Madaxweynaha,kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka iyo go’aankii xisbiyada iyo xukumaddu iskula qaateen in doorashada la qabto December, 2016-ka.

 

 

 

Labadaasi go’aan oo muran ka dhashay ayay maxakamaddu raacday go’aanka guurtida ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka, waxaanay sheegtay in go’aanka kaliya ee sharciga waafaqsani kaas yahay.

 

Dhinacyada doorashadu khusayso ayaa goob joog ka ahaa ku dhawaaqista go’aanka maxakamadda sare ee Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here