Maxaa lagu Xasuusan Doonaa Wasiir Xirsi Cali X.Xasan

0
235

Maanta waxaa xilkii wasaarada Madaxtooyada wareejiyay, Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xassan. Wasiir Xirsi oo shan sanno iyo badh Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka tirsanaa, wuxuu xilkii uu yahay iska casiley 26.Oc.2015.

Bilawgii ama dhismihii xukuumada Madaxweyne siilaanyo ayaa waxa
soobaxay guux iyo dareen ay siyaasiyiinta mucaaridka ahi iyo shacabku kaqaadeen xil cusub oo aan hore u jiri jirin oo Siilaanyo kusoo kordhiyay qaab xileedkii wax loo magacaabi jiray xilkaasoo ahaa CHIEF of CABINET loona magacaabay Xirsi Cali X.Xassan. Arintaasi waxay markiiba keentay fasiraado farabadan iyo hadal hayno ujeedadoodu ahaayeen kuwo la isku waydiinayay macnaha dhabta ah iyo awoodaha xilkani xanbaarsanyahay waxay yihiin.Mucaaridku waxay wakhtigaa ku macneeyeen in xilkani yahay Raysal Wasaare Qarsoon.

 

 

Mudo Sannad ah oo xilkaas “Chief Of Cabinet” uu hayey, Xirsi Cali X.Xasan. Waxaa Madaxweyne Siilanyo u Magacaabey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, 11.June.2011. Halkaas ayuuna ku yaraaday buuqii ka dhashay xilkii la garanwaayey ee Chief Of Cabinet.

 

Xirsi, kol haddal hayntiisu socotey xiligaas, haddana wax qabadkiisu wuxuu bilowday, markii la hoos geeyay Ha’yadii waddooyinka Somaliland ee SRA,04.Oct.2012. Xiligaas oo dad baddani u qaateen inuu Madaxweynuhu ujeedo kale ka leeyahay, hay’adaas uu hoos keenay Madaxtooyada. Intii Somaliland dib loola soo noqdayna, meelaha ayna Somaliland Horumarka ka sameyn waxaa ka mid ahaa waddooyinka, Hay’adaas waddooyinka ee SRA, waxay ahayd mid fadhiida oo Musuq maasuq iyo Maamul xumo daashadeen.

 

 

Sida la ogyahay horumarinta Waddooyinka waddan leeyahay waxay qayb weyn ka qaataan, Kor u kaca ama horumarka Kaabayaasha dhaqaale iyo Is-dhexgal ee waddankaas. Haddaba Xirsi isagoo taas ogsoon, wuxuu u tafaxeytey, Horumarinta Waddooyinka Somaliland.Wuxuuna horumar balaadhan oo aan la ilaawi karin ku sameeyay guud ahaan waddooyinka Somaliland oo dhan, min heer Qaran ilaa heer Degmo.

 

Waddooyinkaas waxaa ka mida ta Dilla iyo Boorama isku xidha oo uu dhamaystiray, ta Wajaale iyo Kalabaydh isku xidha oo uu iyana dhamaystiray, ta Salaxley iyo Hargeysa oo uu qayb weyn ka qaatay wax yarina maanta u hadhsan yihiin, ta Baligubadle iyo Hargeysa oo uu kaalin wayn ka ciyaaray socotana, ta Berbera iyo Raari-buul oo uu iyana taageero weyn ka geystey, Ta Hargeysa iyo Dawga-Cad oo uu caawimo iyo taageeraba siiyay. Ta isku xidha Allay-badday iyo Arabsiiyo oo uu dhaqaajiyay. Wasiir Xirsi wuxuu dayac-tir balaadhan oo aan ka dhicin waddo cusub, uu ku sameeyay, Waddada weyn ee Berbera iyo Hargeysa, isku xidha, iyo ilaa Berbera iyo Shiikh ta isku xidha.

 

Wasiir Xirsi waddada ugu weyn ee lagu xasuusan doonaa ee uu Rikoodhka ku jabiyay waa ta Ceerigaabo ilaa Burco isku xidha, waddadaas oo iska daa dawlad yar oo bilaa Ictiraafee, ay ka baqday kuna dhici weydey inay keligeed samayso Dawladdii ugu xooga weyneyd ee Somaliya soo marta ee Kacaanku. Wasiir Xirsi wuxuu kaga dhabeeeyay riyadii ay shacabka reer Sannaag Mudada dheer ku riyoon jireen ee ahayd bal inay maruun waddo heli doonaan. Wasiir Xirsi, waddadaas oo uu si resmi ah u bilaabay Sannadkii hore, maanta kalabadh ayaa dhamaatay, intii kalena waxaa lagu hayaa gacanta, Haddii ay qalab tahay iyo haddii ay daanbur tahay, haddii ay maaliyad tahay iyo haddii ay shaqaale tahayba, wax ka maqan ama u hadhsan oo waddadaasi tebeysaa maanta ma jirto.

 

Wasiir Xirsi, waxyaalaha kale ee lagu xasuusan doono, waxaa ka mida ‘Daah-furnaanta”.. Waddooyinkaas aynu ka soo sheekayney qof-wal oo lacag ama xoolo ku darsaday, Hal Dollarna ha ahaatee, maanta way qoran tahay, waxaana la heli karaa, Liiska uu ku yaalo qofkaasi iyo Magaciisa oo saddexani. Si kasta oo Masuq-maasuq looga dheerayn karo xoolahaas ummadu ku caawisay waddooyinka, wuu sameeyay.

 

Wasiir Xirsi wuxuu ku sifoobey Karti iyo Aqoon Xeeldheer, wuxuuna diyaariyay Qorshihii iyo Siyaasadii horumarinta waddooyinka “Roads Master Plan” oo kala sheegaya wixii laami noqonaaya , wixii jid cadde noqonaya , wixii Waddo xagaaf noqonaya “Feeder Roads”. Sidoo kale wuxuu diyaariyay Nidaam iyo halbeeg loo sameeyo waddooyinka dalka.“Roads Standard”

 

Dacwadna waxaan ka idhi ceebihii la iigu duur xulaye’
Inkastood xumaan uga digtoo waano kula daasho
Shaydaan wuxuu duufsadaa daabad noqon waaye’
Haddii shicibka deel-qaaf ka yimid lagama diireene’
Dambiga madaxdu ii geysataan daydayaay’e
Dil baa aniga la igula kaftay doobir xumadiiye’
Dumar kama fikirin xaajadii dabacu saaraaye’
Dambi oogeyaashii falaan diirad ku arkaaye’
Anigoon dakanadayda maqan doonan kari waayin
Wax badan baan dul qaatee haddii la iga dayn waayay
Sida malabka doocaan haddii la ii dudubinaayo
Doc aan uga wareegaba ficilo waan isku dayayaaye’
Deebaaq qadhaadh iyo anaa dacar magow siine’
Darandoori kay ugu dhacdoow dan iyo xeerkaaga .. Abwan Xirsi Cali X.Xasan.

 

W/Q Suleyman Yusufdhakhtar.

Facebook.com/Suleymanyusufdhakhtar

Baynani@Hotamail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here