Mas’uul xil ka hayay Dowladii Sadaam Xusein iskuna dhiibay Mareykanka oo geeriyooday

0
245

Masuuliyiin katirsan dowlada Ciraaq ayaa sheegay in Raysulwasaare kuxigeenkii hore ee dowladii Sadam Xuseen Tariq Aziz uu maanta geeriyooday.

Masuuliyiintan waxaa laga soo xigtay in Tariq Aziz uu maanta ku geeriyooday isbitaalka Nasiriya ee dalka Ciraaq kadib markii uu wadnaha istaagay.

Taariq Casiis ayaa lagu hayay xabsi kuyaala magaalada Nasiriya ee dalka Ciraaq,wuxuu dowladii Sadam Xuseen ka ahaa raysulwasaare kuxigeen iyo wasiir arima dibadeed.

Taariq Casiis ayaa sanadkii 2003 isu dhiibay ciidamadii Mareykanka ee la wareeqay magaalada Baqdaad.

Taariq Casiis oo aaminsana diinta Kirishtanka ayaa caan ku ahaa in uu siyaasadda Saddam Hussein ka difaaco masraxaddaha caalamka, waxaana uu sidoo kale hogaaminayay duulaankii Ciraaq ee Kuwait.

Qoyska Taariq Casiis ayaa mudo dalbanayay in xabsiga laga sii daayo tan iyo markii xaaladdiisa caafimaad ay soo liidatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here