Maskaxdii ka Dambeesay Weerar lagu qaaday Baar kuyaala Magaalada Dhaka oo la dilay

0
159

Ciidamada booliiska magaalada Dhaka ee dalka Bangaladhesh ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay in uu ahaa maskaxdii ka dambeesay Baar Kofeega laga cabo oo kuyaala magaalada Dhaka, halkaas oo lagu dilay 22-qof ay ku jiraan ajaaniib.

Booliiska ayaa weeraray goob uu gabaad ka dhiganayay Tamim Chowdhury oo lagu eedeeyay in weerarkii Dhaka uu qorsheeyay , waxaana isla hor imaad halkaasi ka dhacay markii dambe booliiska ku guuleesteen in ninkaasi ku dilaan.

 
Sargaal katirsan booliiska Dalka Bangaladhesh oo lagu magacaabo Sanwar Hossain ayaa sheegay in ciidamada booliiska dileen nin u dhashay dalka Bangaladhesh balse heesta dhalashada dalka Canada, kaa ay ku tuhmayaan in uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday baar kuyaala Dhaka.

Howlgalka qorsheesan ay fuliyeen ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa sidoo kale lagu dilay sadex dagaalyahan oo kale oo la sheegay in ay xariir la lahaayeen kooxdii weerarka fulisay

Weerarkii ka dhacay 1-dii bishii july ee sanadkan Baar kofeega laga cabo oo kuyaala magalaad Dhaka ayaa lagu dilay dad gaaraya 20-qof ay ku jiraan ajaaniib, waxaana kooxihii hubeeasnaa ee baarkaasi galay saacado badan halkaasi dad afduub ugu heesteen inkastoo markii dambe la dilay dadna laga soo bad baadiyay.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here