Masar Oo Wariyeyaal Xukunno Ku Riday

0
180

Qaahira(SDN)Maxkamad dalka Masar ku taala ayaa ku xukuntay saddex wariyayaal oo ka tirsan Aljazeera TV saddex sanno oo xadhig ah.

 

Dacwada Maxamed Fahmy, Peter Greste iyo Baher Maxamed ayaa lagu helay danbi ah inay sheegeen war qalad ah iyo inay caawinayeen ururka Akhwaan Muslimiinyta oo hadda la mamnuucay.

Baher Maxamed ayaa lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah oo dheeraad ah.

Wariyeyaashan ayaa xukunno hore ugu dhacay dunida laga cambaareeyay, iyadoo saddexda Wariye mid u dhashay Australia, labada kalena Masar balse midkood kansalay dhalashadiisa Masar.

– See more at: http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Masar-Oo-Wariyeyaal-Xukunno-Ku-Riday.html#sthash.3SIGS6tG.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here