Mas nooca loo yaqaan Jibisada oo weerar ku qaaday nin Suuli ku jiray qeybna ka jartay xubi…

0
181

Ruuxaani oo lagu magacaabo Attaporn Boonmakchuay ayaa hada kasoo kabanaya dhaawac culus, kadib markii Maska Jibisada loo yaqaan ay ka goosatay qeyb kamid ah xubintiisa taranka, xili uu ku kaadinayay Musqushiisa.

Ninkaani oo u dhashay dalka Thailand ayaa hada kujira Isbitaal, waxaana qeyb kamid ah xubintiisa taranka ka goosatay Jibiso ku jirtay Tuunjiga lagu kaadiyo ee Musqusha.

Dhibanahaani waxa uu sheegay in maska uu si aad ah ugu dhagay oo xitaa isaga iyo xaaskiisa ay la tacaaleen sidi uu isaga fujin lahaa.

Saraakiisha la tacaaleysa caafimaadkii ayaa sheegay in Attaporn Boonmakchuay uu yahay nin nasiib badan, waxa ayna tilmaameen in Masku uusan ka goosan qeybta ugu muhiimsan xubintiisa.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here