Marwada Madaxweynaha Oo Iska Diiday Xil Muuse Biixi Ku Tisay

0
123

Hargeysa(SDN) Marwada madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina-waris Maxamed Jirde, ayaa ka cudur daaratay ka mid noqoshaha golaha dhexe ee Kulmiye, kadib markii guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi xilkaasi u magacaabay dhawaan.

 

Marwada ayaa ahayd qofka koowaad ee liiska 23 qof oo Muuse Biixi u magacaabay ka mid noqonshaha golaha dhexe ee Kulmiye. 23 qof ayaa ah kuwa uu awood ahaan sharcigu siinayo in Muuse Biixi ku daro golaha dhexe ee Kulmiye.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay sababta marwada madaxweynuhu u diiday inay ka mid noqoto golaha dhexe ee Kulmiye, balse waxay soo jeedisay in booskeeda lagu bedelay haweenayda lagu magacaabo Sahra Qaadi oo booskeeda buuxinaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here