Markab siday Geel badan oo Soomaaliya laga dhoofiyay oo ku xirtay Dekkad kutaala Masar

0
177

Markab weyn oo sida Geel fara badan oo Soomaaliya laga dhoofiyay ayaa 20-sano kadib waxa uu ku xirtay Dekedda Aladbiyad ee kutaala magaaladda Suweys ee dalka Masar.

Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ayaa Dekadda Magaalada Suweys waxa ay kusoo dhaweeyeen Markabkan siday in ka badan 2,600 oo neef Geel ah kuwaa oo laga dhoofiyay Gudaha Soomaaliya.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Soomaaliya Siid Xuseen Ciid , ayaa sheegay in xoolahan laga dajiyay Dekadda Masar ay timid kadib markii dalalka Soomaaliya iyo Masar ay heshiis arintan ku saabsan wada gaareen sanadkii hore.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in la kordhin doono Xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso dalka Masar, waxa uuna xusay in dalka Masar loo dhoofin doono xoolo gaaraya 50,000 oo neef kahor inta aan la gaarin ciida Carafo.

 

Suuqan cusub ee dalka Masar uga furmay Xoolaha Soomaaliya ayaa la filayaa in dadka Soomaaliyeed uu u abuuro ganacsi ay ka faa’idaan, waxaana aad usoo dhaweeyay in dalka Masar la geeyo Xoolaha Soomaaliya ganacsatada gaar ahaan kuwa xoolaha ka ganacsada.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here