Mareykanka oo sheegay inay fuliyeen duqeyn ay ku dileen 150 ka tirsan Kooxda Alshabaab

0
156

Warbixin kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in duqeyntii ka dhacday tuulooyinka Dhariyow iyo Ceel Dibi oo lagu magacaabo Raso oo 70 km dhanka galbeed ka xigta magaalada Buulabarde, lagu dilay Horjoogayaal iyo Ciidamo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Warbixinta kasoo baxday Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 150 ka tirsan Al-Shabab.

Xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay in weerarku uu dhacay maalintii Sabtida, uuna bartilmaameedku ahaa xero tababar oo ku taalla caasimadda Muqdisho.

Diyaarada weerarka fulisay oo aheyd diyaaradaha meelaha fog laga hago ee drones-ka ayaa saddex gantaal ku ridday goobta weerarka hore kadibna weerar labaad ay haddana ku dhufatay saddex gantaal oo kale.

Jeff Davis af-hayeenka Pentagon ayaa sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay 150 kilometer dhinaca waqooyi ka xigto Muqdishu.

“Waxaan ogeyn inay xerada uu ka socday diyaarinta weerar weyn oo halis ah, kana dhan ah Mareykanka iyo Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya”ayuu yiri Col. Davis

“Qiimeynta horu dhaca ah waxay sheegeysaa in ka badan 150 oo argagixiso ah lagu dilay weerarkaas”ayuu sii raaciyay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale, sheegay in ka hor inta aanay duqeynta fulin diyaarada Drone ah ay xeradaas dhowr jeer sahansadeen ama ay basaaseen muddo todobaad ah.

Kooxda Alshabaab ayaan wali ka hadal warkaani kasoo baxay Dowlada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here