Maraykanka oo sheegaya inuu duqeyn ku qaarajiyey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida

0
168

Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in dayuuradahooda duuliye la’aanta ah ay gudaha Siiriya ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida.

Afhayeenka waaxda Gaashaandhigga Maraykanka Peter Cook ayaa magaca sarkaalka la qaarajiyey ku sheegay Abu Afghan Al-Masri, wuxuuna intaa ku daray in Jimcihii lagu dilay meel u dhow degaanka Sarmada oo ku taalla waqooyiga galbeed Suuriya.

 
Abu Afghan Al-Masri ayaa la sheegay inuu ku dhintay gantaal dayuurad Drones ah la heshay gaari uu la socday, wuxuuna horey uga soo dagaalamay dalka Afghanistan.
Mr Cook wuxuu sheegay in sarkaalkan oo Masar u dhashay uu xiriir la lahaa koox Maraykanka iyo xulafadiisa ku weerartay Afghanistaan, iyo dhinacyo kale oo maleegayey weerarro ka dhan ah reer galbeedka.

Maraykanka ayaa marar badan ooh ore duqeymo ku dilay saraakiil iyo hogaamiyeyaal ka tirsan kooxaha Daacish, Al-Qaacida, Al-Shabaab oo dhamaantood reer galbeedku u aqoonsan yihiin kooxi argagaxiso ah.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here