Man United Oo Kaalinta 2aad Ka Gashay Kooxaha Ugu Qanisan Adduunka, Real Madrid Oo 1aad Ku Jirta Sannadkii 10aad Oo Isku Xigta. (Liiska Kooxaha Ugu Qanisan Oo Dhameystiran)

0
234

Inkastoo ay soo wajahday xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee taariikhdooda xilli ciyaareedkii hore, Manchester United ayaa kaalinta labaad ka soo galay liiiska kooxaha kubada cagta ee ugu qanisan caalamka.

Inkastoo ay galeen xilli ciyaareed liita oo keenay in David Moyes la ceyriyo ka dib markii uu bedelay Sir Alex Ferguson, islamarkaana ay ku dhameysteen kaalinta labaad, United ayaa kaliya ka danbeysa Real Madrid liiska kooxaha ugu qanisan ee ay soo saartay Deloitte Football Money League.

Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa ka sarre martay kooxaha waa weyn ee Yurub ee Bayern Munich iyo Barcelona ka dib markii lacagta u soo xarootay ay noqotay 433.2 milyan ginni, halka sannadkii ka horeeyay ay aheyd 363.2 milyan ginni.

22D2174200000578-2920602-image-a-23_1421873279381

Real Madrid ayaa weli hogaanka u heysa liiskaan, waana sannadkii 10aad ee isku xigta, iyadoo xilli ciyaareedkii hore ee 2013-14 ay u soo xarootay lacag gaareysa 459.5 milyan ginni, Bayern Munich ayaa kaalinta seddexaad ku jirta, halka Barcelona ay kaalinta afaraad ku jirto. PSG ayaa shan soo gashay halka kooxda Ingariiska ee Manchester City ay ku jirto kaalinta lixaad.

Waxaa ku soo xiga kooxaha Ingariiska ee Chelsea, Arsenal iyo Liverpool oo ku kala jira kaalimaha 7aad, 8aad iyo 9aad, waxaana 10ka kooxood ee lacagta ugu badan ay u soo xarootay xilli ciyaareedkii hore dhameystireysa kooxda Talyaaniga ee Juventus.

0B0F642700000514-2920845-Half_of_the_top_40_wealthiest_football_clubs_are_from_the_Premie-a-1_1421884160799

LIISKA KOOXAHA UGU DAKHLIGA BADAN CAALAMKA EE XILLI CIYAAREEDKII HORE:

1. Real Madrid – £459.5m

2. Manchester United – £433.2m

3. Bayern Munich – £407.7m

4. Barcelona – £405.2m

5. Paris Saint-Germain – £396.5m

6. Manchester City – £346.5m

7. Chelsea – £324.4m

8. Arsenal – £300.5m

9. Liverpool – £255.8m

10. Juventus – £233.6m

11. Borussia Dortmund – £218.7m

12. AC Milan – £208.8m

13. Tottenham – £180.5m

14. Schalke 04 – £178.9m

15. Atletico Madrid – £142.1m

16. Napoli £137.8m

17. Inter Milan – £137.1m

18. Galatasaray – £135.4m

19. Newcastle United – £129.7m

20. Everton £120.5m

21. West Ham United – £105.3m

22. Aston Villa – £101.9m

23. Marseille – £100m

24. Roma – £97.7m

25. Southampton – £97.3

26. Benfica – £96.6

27. Sunderland – £95.7m

28. Hamburg – £92.2m

29. Swansea City – £90.5m

30. Stoke City – £90.1m

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here