Man United Oo Aduun Dhan 100 Malyan Ku Dalbaneysa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Paris Saint Germain.

0
416

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu saxiixiisa ugu weyn suuqa kala iibsiga xagaagan ka dhigto kubad sameeyaha kooxda Paris Saint Germain Marco Verratti sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska.

 

Wararka xanta ah ee la helay ayaa shaagaya in macalinka reer Portugal ay ka go’antahay inuu kooxdiisa adkeeyo isla markaana si weyn uga agaasimo khadka dhexe si ay wax walba ula qebsadaan kooxaha qaaradda yurub.

 

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa iney 25-jirka reer talyaani ka kaashi doonto aduun dhan 100 Malyan oo Pound, waana lacagahii ay damacsaneyd iney kula soo saxiixato xagaagii laga soo gudbay.

 

Sida warbixinta arrinkaan laga qoray ku qoran – Mourinho wuxuu damacsan yahay inuu mataaneeyo Marco Verratti iyo xiddiga reer Brazil FRED kaas oo la filayo inuu kooxda ka dhisan Old Trafford caafimaadka u maro inta lagu jiro isbuucaan.

 

Jose wuxuu tartan ku aadan xiddiga Shakhtar Donetsk kala kulmi karaa macalinka cusub ee kooxda West Ham Manuel Pellegrini kaas oo doonaya inuu dhiso kooxda ka dhisan London.

 

Jose ayaa sidoo kale xiiseynaya xiddiga West Ham United Marko Arnautovic kaas oo lagu qiimeeyo aduun dhan 50 Malyan oo Pound, balse macalinkii hore Citizens marnaba ma doonayo inuu lumiyo xiddiga reer Austria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here