Majaajilaystayaal Macaash Ka Dayey Aflegaaddaynta Saxaafaddii Sababta u Ahayd Heerka ay Haatan Taagan Yihiin

0
213

Hargeisa(SDN)Majajilaystayasha kasoo jeeda Gobolka Togdheer ee Sooraan iyo Jawaan, ayaa beryahan dambe noqday qaar macaash iyo nolol ka.

 

soor

raadiya cayda iyo aflegaadaynta Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalka, waxana la arkayaa inay Baalmareen Hannaankii lama ilaawaanka ahaa ee ay garab uga dhigteen warbaahinta xilliyadii ay saaxafadda Maajillada kusoo biirayeen.

Labada Majaajilayste oo hore shacbiyad laxaad leh iyo dhexdhexaadnimo la majeertaa ay hantidooda ahayd, ayaa qaaday dariiq dib udhac iyo noqosho ku ah xirfaddooda, waxana  ay risiq ka raadiyeen inay caayaan Saxaafadda si ay u raalli geliyaan Cid ay shilimo dhadhamo ah ka qaateen.

 

Dhaqanka noocaas ah ee Labadaas Majaajilayste la yimaaddeen, ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray Dhexdhexaadnimadii   caanka ku ahaan jireen, waxana ay  isu rogeen Aalad loo adeegsado hadba cidda la doonayo in sumcadeeda la waxyeeleeyaa.

 

 

Labadan Majaajilayste ayaa Tobadkii la soo Dhaafay Mar ay Riwayad ku soo Bandhigayeen Xaflad Xadhiga Lagaga Jarayay Lap Cusub Oo Lagu Baadhi Doono Tayada Shidaalka Berbera, waxa  ay  Eedayn,Cay iyo Aflagaaddo Aan Gabasho Lahayn  Dusha kaga Tuureen Saxafadda Somaliland Oo iyadu ah Mid Aan Gayin Caydaas, isla-markaana hore u ahayd sallaan xambaara Waxyaabihii ay labadan nin jili jireen.

 

 

Riwaayadani ay Sameyeen Majajilaystayashani Heeryaysani ayaa  ay ku muujiyeen sawir qaldan oo saxaafadda dalka ay kaga dhigayaan mid indho la’ oo u shaqays hannaan salka ku haya naqdinta waxyaabaha wanaagga ah.

 

 

Gefka labadan majaajilayste ka galeen Saxaafadda Dalka, ayaa ah mid taariikhi ah oo aan la ilaawi Karin, waxana heegan buuxa loo galay in jawaab ku Haboon laga siiyo gefkaas aan la galabsan ee lagu waxyeeleeyey milgihii saxaafadda Madaxa Bannaan ee Somaliland.

 

 

Dhaqanka iyo caadooyinka fannaaniinta laguma aqoon inay Hunguri ka raadiyaan cayda cid bahdooda ah, waxana si weyn loo hadal hayaa waxa ay labadan nin dhaafsadeen hiiraanka iyo hiifta saxaafada Madaxa Bannaan ee ay golaha lasoo istaageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here