Magaca iyo Sawirada Ninkii ka Dambeeyay Weerar shalay ka dhacay Paris oo lasoo bandhigay

0
383

Ciidamada booliiska magaalada Paris ayaa baaritaan dheer kadib waxa ay soo bandhigeen Sawirada , magaca iyo dalka uu kasoo jeedo ninkii ka dambeeyay weerar shalay lagu qaaday Madxaf kuyaala magaalada Paris.

Ninkan weerarka geestay oo watay Baangad ayaa isaga oo ku qeylinayay Allaha akbar, waxa uu weerarka ku beegsaday askari booliis ah oo ilaalo ka hayay Madxafka Louvre , waxaana goobtaasi lagu toogtay ninkii weerarka qaaday.

 
Booliiska ayaa sheegay in Weerarka uu ka dambeeyay Abdallah El Hamahmy oo ah 29-sano jir u dhashay dalka Masar, ninkan ayaana 26-kii bishii tagtay ee Janaayo ku tagay magaalada Paris isaga oo dalxiise iska dhigayay.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale baaris ku sameeyay boorso uu ninkan dhabarka ku watay oo loo maleenayay in waxyaabaha qarxa ku jiraan, hasa ahaatee baaris kadib ayaa laga waayay boorsadaasi waxyaabaha qarxa.

 

Dowlada Faransiiska ayaa dagaal kula jirta kooxaha taageersan Daacish, waxaana magaalada Paris iyo magaalooyin kale oo kuyaala dalka Faransiiska ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu dilay dad badan oo Faransiis ah, waxaana weeraradaasi sheegtay Kooxda Daacish.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here