Magaca Cristiano Ronaldo Oo Lagu Xayaysiinayo Koox Portugal Ah.

0
256

Xiddiga sannadka adduunka Cristiano Ronaldo ayaa ogolaaday inuu heshiis xayaysiin ah la galo koox heerka hoose ah oo ka dhisan dalkiisa Portugal oo la yiraahdo Clube de Futebol Uniao.

Laacibkaan oo seddex jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa doortay inuu heshiis xayaysiin ah la galo magaalada uu ka soo jeedo ee Madeira, iyadoo astaanta matxafkiisa ay ka soo muuqan doonto maaliyadiisa.

Kooxda ku ciyaarta maaliyada buluuga iyo jaalaha ayaa caalamada CR7 Museu ku xardhan doonta maaliyadeeda, iyagoo xayaysiinaya matxafka cusub ee xiddiga Real Madrid oo la furay sannadkii hore.

Ronaldo ayaa ku garaacay Lionel Messi abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Ballon dOr horaantii bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here