Magaaladda London Ee Caasimadda Ingiriiska Oo Muddoharaado Xoogani Ka Dhaceen.

0
18
London Big Ben and traffic on Westminster Bridge

Dalka Ingiriiska ayay ka dhaceen muddoharaadyo lagaga cabanaayey waxyeeladda degaanka , waxaanay muddoharaadyadaasi  ka dhaceen badhtamaha magaaladda casimadda ah ee London , iyada oo ay dadkaasi xidheen ilaa shan biriish oo  isaga gudba magaaladda London iyo wabiga Taymis .

Sidoo kale muddoharaadeyaashani waxa ay gooyeen  wadada hor marta xarunta Barlaamka Ingiriiska ee Iskuweer, waxaanay ciidamada Boolisku sheegeen in ay xidh xidheen ilaa  70 qof in ka badan.

Dadkan dibad baxaayey ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dawladda Ingiriiska ku cadaadiyaan sidii ay  wax uga qaban lahayd cimiladda isa sii bedelaysa ee dalkaasi .

 

Dadkan muddoharaadaayey ayaa watay boodhadh ay kusoo xardheen qoraalo muujinaaya siday u doonayaan in wax laga qabto cimiladda sii xumaanaysa ee dalkasi Ingiriiska .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here