Magaalada Paris oo lagu qabtay nin la sheegay in uu qorsheenayay Weerar halis ah

0
121

Ciidamada amaanka dalka Faransiiska ayaa howlgal ay shalay ka sameeyeen Degmada Argenteuil Ee Waqooyi Galbeed Magaalada Paris, waxa ay ku soo qabteen nin la sheegay in uu qorsheenayay weerar uu ka geesto dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xog ay heleen ciidamada amaanka ay usuurto galisay in ay gacanta kusoo dhigaan nin maleegayay weerar argagaxiso.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in soo qabashada ninkan ay fududeesay kadib markii ay ciidamada xireen dad kale oo la tuhmayay kuwaa oo bixiyay xogta ninkan lagu tuhmayo in kaligiis uu qorsheenayay weerar uu ka geesto dalka Faransiiska.

 
Wasiirka ayaa cadeeyay in ninkan la shaqeenayay Shabakad argagaxiso , waxa uuna ka gaabsaday in ninkan uu ku lug lahaa weerarkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee lagu dilay dad gaarayay 130-qof.

Ciidamada amaanka Dalalka Faransiiska iyo Biljamka ayaa heegan galiyay ciidamadooda amaanka, waxa ayna ciidamada magaalooinka Paris iyo Brusless kawadaan howlgalo lagu baadi goobayo dad lala xariiriyay falal argagaxiso.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here