Magaalada Muqdisho oo macsalaameyneysa Aafadii ka dhalatay Dagaalada Sokeeye

0
179

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ka bogsaneysa dhibaatooyinkii ay soo martay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Bilicda magaalada Muqdisho, ayaa inbadan ka duwan bilicyadii hore looga bartay waxa ayna hada ku dhiiraneysa magaalada Muqdisho inay buuxiso booskii hore ee lagu garan jiray dhowr sano ka hor.

Waxaa si aad usii dhismaaya goobaha ganacsiga, goobaha lagu qaxweeyo, Goobaha damaashaadka iyo suuqyada yar yar ee laga dukaameysto.

Magaalada Muqdisho oo xiliyadii hore laga jiifan jiray xiliga maqribka ayaa waxaa hada dhacda in goobaha qaar ay yihiin kuwo 24saac furan, taasi oo qeyb ka ah Nabada iyo Horumarka ay u talaabeyso magaalada Muqdisho.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here