Magaalada Hargeysa Oo Si Balaadhan Looga Tukaday Salaada Ciidal-Fidriga Iyo Masuuliyiinta Dawlada Oo Shacabka La Tukaday

0
93

Hargeysa(SDN)Iyada oo maanta si balaadhan looga tukaday salaada ciidal fdiriga dhamaan dunida islaamka oodhan ayaa dadwaynaha ku nool magaalada hargeysa ay u dareereen oogista salaada ciial fidriga.
Waxaan shacabwaynahan oo dhamaan wajiyadooda laga wada dheehanayay farxad iyo rayn rayn ay isku salaamayeen “Ciid mubaraag iyo Ciidal Caafiya”.
Waxaana ay dadwaynuhu ku tukadeen dhamaan goobaha loogu tala galay in lagu tukado salaadhaa ciidaha, waxaana shacab waynaha magaalada hargeysa kala qayb galay tukashada salaada madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” yo dhamaan masuuliyiinta xukumadda kuwaasi oo jawiga farxada ah la qaatay shacabka magaalada hargeysa.

 
Suuqayada magaalada ahrgeysa ayaa waxa maraya boqolaal caruur ah oo libisan kuwaasi oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad iyo rayn rayn.

1 2

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here