Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Riyaale Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Noqday Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

0
1071

Hargeysa(SDN)Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxaa uu maanta ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa , waxaana madaarka ku soo dhaweeyey madaxweynaha masuulyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed .

 

Daahir Riyaale oo warbaahinta kula Hadley qolka V.I.P ee madaarka Hargeysa ayaa si kooban u sheegay in uu Hargeysa u yimid sidii uu uga qeyb gali lahaa xaflada caleemo saarka madaxweynaha 5-aad ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here