Madaxweynihii hore ee dalka Ugandha oo mar kale ku guuleystay Doorashada dalkaasi ka dhacday

0
154

Yoweri Museveni ayaa mar shanaad qabanaya xilka madaxtinimada ee dalka Ugandha oo uu ka arriminaayay 30kii sano ee la soo dhaafay.

Guddiga doorashada Uganda, ayaa goordhow shaaciyay in Museveni uu ku guuleystay codadkii la dhiibtay 60.8 boqolkiiba, halka hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Kizza Besigye isna la sheegay in uu helay 35.4 boqolkiiba codadkii la ritay.

 
Korjoogtada Doorashada midowga Yurub ee hadda kusugan magaalada Ugandha ayaa waxa ay dhalleceeyeen sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ee madaxtinimada iyo baarlamaanka ee dalkaasi.

Guddiga doorashadu ku dhawaaqey natiijada, ayaa Museveni naftiisa u hambalyeeyey waxaana uu Twitter-ka ku qoray sida hoose.

Madaxweyne Museveni ayaa xilka madaxweynaha dalka Uganda qabtay sanadkii 1986-dii xiligaas oo afgambi ku qabsaday xilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here