Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka walaacsan eedaymaha Hantidhawrku soo jeediyey

0
264

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Sooomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay, in uu si weyn uga walaacsan yahay eedaymaha uu soo jeediyey Hanti-dhawraha Dowladda Nuur Jimcaale Faarax.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey xeer ilaaliyaha guud ee Dowladdu in uu baaritaan ku sameeyo eedaymahaas, sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in ay madaxweynaha ka go’an tahay in uu sid haw ula shaqeeyo xafiiska hantidhawraha Dowladda.

Hantidhawrka Dowladda Nuur Jimcaale ayaa todobaadkan shir-saxaafadeed uu qabtey sheegay in madaxtooyada looga hanjabey shaqaalaha hantidhawrkana loo diidey in ay galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here