Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in uusan Daacad ka aheyn Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe

0
204

Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame ,oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeesay Madaxda sare ee Dalka gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, in aysan daacad ka aheyn in maamul loo dhan yahay loo sameeyo Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
xasan sheekh
Xildibaanada oo kusugan Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegtay in shacabka Gobolada dhaxe ay xiligan diyaar u yihiin in ay maamul sameestaan, waxa ayna tilmaantay in aysan marnaba raali ka noqon doonin in lagu qasbo wax aysan dooneyn.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada Hadii Dowlada Federaalka Soomaaliya aysan wax la qaban waxgaradka iyo Ergooyinka ku shirsan Magaalada Dhuuso Mareeb in iyagana aysan ogolaan dooni in xaqooda la duudsiiyo lana marin habaabiyo masiirkooda.

Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame ayaa ku eedeesay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uusan daacad ka aheyn in Maamul loo dhiso Gobolada Dhaxe ee Dalka uuna ka meermeeayo in uu miro dhal noqdo shirkii uu ka furay Dhuuso Mareeb.

“Waxaan aad uga xumahay hadaladii kasoo yeeray madaxweynaha sharafta leh ee Federaalka, waxaan leeyahay madaxweynaha halkaan waad timid gogoshaan waad furtay waxayna ahayd dhameystirkeeda inaad ogaato, mar hadii aadan dan ka lahayn gobalada dhexe, hade dadkii danta ka lahaa wey fadhiyaane faraha uga qaad, madaxweyne haku qaldamin gobaladaan dhexe, waa dad u taagan inay heshiiyaan, heshiiska ayeey diyaar u yihiin, heshiis darro lama rabo, xagee lagu arkay ninkii howsha uu waday isaga ku taagan, war dadka federaal baa la yiri waxbaa la’isku darsaday, qiimeey oo sharaf soona dhaweey Odayaasha, dhalinyarada, siyaasiyiinta, Duubabka, ganacsatada iyo intii ehel u ah gobaladaan dhexe xishmad bay kaaga baahan yihiin, gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagana anaga gudoomiye noo ah dhaleeceenta waxbuu ka leeyahay, maxaa yeelay meeshii shir lagu qabanayo wuu imaan jiray gudoomiyaha, marka gudoomiya Hal gobal uma tihid gudoomiye, codkeenii ayaa lagugu doortay oo aad ku fadhidaa, wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha waxay ka tirsanyihiin gobalada dhexe, waana ka xunnahay in gobalkiina aad ka meeraysataan”” Ayey Tiri Xildhibaanad Ubax.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqday Xildhibaanada , Siyaasiyiinta iyo Ganacsadatada kasoo jeeda Gobolada Dhaxe in ay gacmaha is qabsadaan ayna ka shaqeeyaan aayaha deegaankooda iyo sidii ay u dhisan lahaayeen maamul matala dadka ku dhaqan Gobolada Dhaxe .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here