Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goordhaw Muqdiho kusoo laabtay si diirana loogu soo dhaweeyay

0
167

Muqdisho(SDN)Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Jarmalka.

xasan sheekh

Madaxweynaha iyo Xubnaha lasocday waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro katirsan Xukuumada , Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaritaan caafimaad waxa uu u aaday Dalka Jarmalka uu kusugnaa dhoorkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana la filayaa Madaxweynaha in uu ka warbixiyo Safarkii uu ku tagay Dalka Jarmalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here