Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa kana qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika

0
139

Addis(SDN)Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono kulan madaxeedka Midowga Afrika.

xasan sheekh

Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Afrika qaarkood, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale oo shirka ka qeybgalaya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacaya ayaa la filayaa in lagu lafaguri doono arrimo badan oo qaaradda khuseeya Soomaaliya.

Xafiiska War Qabadka Hargeisa
Hargeisa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here