Madaxweyne Trump Oo Cafis U Fidiyay Haweeney 22 Sano Xabsi Ku Jirtay

0
684

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cafis u fidiyay haweeney 22-sano xabsi ku jirtay, waxaana cafiska haweeneydan Madaxweynaha ka codsatay gabadha Modelka caanka ku ah  Kim Kardashian.

Xabsi kuyaala gobolka Albama ee dalka Mareykanka ayaa laga sii daayay Alice Johnson oo la xiray sanadkii 1996-dii kadib markii lagu qabtay ka ganacsiga daroogada nuuca loo yaqaan cocaine -ta.

War kasoo baxay Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Alice Johnson ay ahayd maxbuus kudaysho mudan ayna aad ugu dadaashay sidii ay nafteeda u dhaqan celin lahayd intii ay xirneyd.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinayay haweeneydan oo aad u faraxsan oo xabadka galineysa xubno kamid ah qoyskeeda, waxa ayna haweeneydan si weyn ugu mahad celisay Madaxweynaha dalka Mareykanka.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo madaxweyne Trump, wuxuu isiiyey fursad kale oo nololeed, aad ayaan ugu mahadnaqayaa. Waxaan filayaa inaan noloshayda markale dib u bilaabi doono, maanta waa maalin mucjiso ah. Waxaan dareemayaa madax banaani, xor ayaan u ahay inaan xabadka galiyo qoyskayga, xor Ayaan u ahay inaan noolaado. Xor Ayaan u ahay inaan nolosha dib u bilaabo. Maanta waa maalin muunad gaar ah ii leh, qalbigaygu wuxuu ka mahadcelinayaa wixii dhacay” Ayey tiri Alice Johnson.

Gabadha caanka ah ee Kim Kardashian oo Madaxweyne Trump ka codsatay sii deynta haweeneydan ayaa soo dhaweesay in xabsiga kasoo baxdo Alice, waxa ayna sheegtay in warkan uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee maqasho nolosheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here