Madaxweyne Siilanyo Oo Maanta Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolada Bariga Qaar Ka Mid Ah, Sii Diirana Loogu Soo Dhaweeyey Berbera , Burco Iyo Caynaba

0
207

Burco(SDN)Wefti balaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 18/08/2016, safar shaqo ugu kicitimay gobolada bariga Somaliland, qaarka mid ah. socdaalka weftiga ayaa ahaa mid yoolkiisa koowaad ahaa gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynaba, oo ay ku sugan yihiin wakhtigan.

DSC_0001

DSC_0002DSC_0003Hase ahaatee intii weftiga madaxweynuhu jidka ku sii jiray waxa si baaxad leh ugu soo dhaweeyey tuullooyinka, degmooyinka iyo gobolada Saaxil, Togdheer iyo Saraar, bulsho tiro badan oo madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey sawaxan gacaltooyo oo ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo boholyow madaxtinimo, iyagoo lulaayey caleemo qoyan iyo calanka Somaliland.

DSC_0004

DSC_0005DSC_0007DSC_0009Madaxweynuhu markii uu gaadhay magaalada caynaba waxa duleedka magaalada kaga horyimid maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay wehelinayaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland oo iyagu ku sugnaa gobolka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu socod lug ah ku maray wadada halbowlaha ah ee dhex marta magaalada caynaba isagoo salaan gacan taag ah u fidiyey dadweyne tiro badan oo ku sugnaa wadada hareeraheeda, una soo baxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftigiisa.

DSC_0018

DSC_0025DSC_0038DSC_0044DSC_0048DSC_0055Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona dhawr maalmood, isagoo madaxweynuhu u kuurgelaya xaalada guud ee dadka ku dhaqan deegaamadaasi, lana filaayo in madaxweynuhu maalmaha soo socda uu ku sugnaado gobolada bariga. Safarka Madaxweynaha ayaa daba socdii kala dambeeyey ee Madaxweynuhu ku soo galaabixiyey dalka, taariikh ma guurto ahna ka dhigay socdaalada ka war haynta shacbigii u doortay hoggaanka dalka.
DSC_0066DSC_0070DSC_0074DSC_0079DSC_0081DSC_0086DSC_0090DSC_0093DSC_0096DSC_0097DSC_0099DSC_0103DSC_0105DSC_0115DSC_0119DSC_0122DSC_0126DSC_0127DSC_0130DSC_0132DSC_0134DSC_0137DSC_0138DSC_0142DSC_0149DSC_0150DSC_0155DSC_0157DSC_0158DSC_0162DSC_0164IMG_7315IMG_7321IMG_7325IMG_7329IMG_7332IMG_7334IMG_7336IMG_7343IMG_7363IMG_7364IMG_7373IMG_7374IMG_7391IMG_7404IMG_7420

ALLAA MAHAD LEH

              Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafadda  Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here