Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Tagay Xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama

0
168

Hargeisa(SDN)Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Tagay Xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama Iyo Ujeedadiisa. Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta safar ugu kicitay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

 

Safarka madaxweynaha somaliland oo ay ku weheliyaan xubno ka mid ah golahiisa wasiirada ayaa la filayaa inuu magaalada Boorama kaga qayb galo munaasibad balaadhan oo loo qabanayo ardayda sanadkan ka qalin jabinaysa jaamacada Camuud.

 

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato wax garadka gobolka Awdal. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa laga sugayaa mudada uu ku sugan yahay deegaamada gobolka Awdal inuu u kuur galo xaalada abaareed ee deegaamadaasi ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here