Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Dalka Ciraaq Oo La Dilay

0
226

Tikrit(SDN)Militariga Ciraaq ayaa sheegay inay hawlgal adag ku dileen Madaxweyne xigeenkii hore ee Saddam Xuseen Cizzat Ibrahim al-Douri, oo haddana ahaa Xubin ka mid ah dadka aasaasay Ururka Daacish.

tik

 

araakiisha wadankaas ayaa sheegay in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gobalka Salaxuddin, ee waqooyiga Ciraaq. Badhasaabka gobolkaasi ayaa dilkiisa ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaa xooggaga amaanka u suuro gashay inay dilaan Madaxweyne xigeenkii hore oo ahna xubin ka mid ah Saraakiisha sare ee Xisbiga Al-bacas”.

 

 

 

Waxaa socda Tijaabooyin ah hubinta hidde sideyaasha(DNA tests), taasi oo lagu xaqiijin doono in qofka la dilay yahay Cizzat Ibrahim iyo inkale taasi oo Maraykanku tijaabinayo.

 

 

 

Ninkan oo 72 jir ah ayaa awood ku lahaa Xukunkii Saddam Xuseen,iyadoo arrimaha isku soo dhaweeyay ay ka mid ahaayeen Wiilkii ugu waynaa Caruurta Saddam Xuseen oo guursaday Cissat Ibraahim Inan uu dhalay. Waxaa sidoo kale la rumaysan yahay inuu yahay Maskaxda ka dambeysay abuurista Daacish iyo inuu yahay ninka kaliya ee ka noolaa maamulkii Sadda

m Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here