Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Kulan Adag Ku Yeeshay Guriga Madaxweyne Ku-Xigeenka

0
206

Hargeisa(SDN)Xog dheeraad ah oo ay heshay shabakada suradnews.com ayaa waxay cadaynaysaa in kulan adag oo ay yeesheen madaxweyne ku Xigeenka Somaliland iyo wasiirka arimaha gudaha Somaliland maalintii shalay ay ku gor faynayeen arimo la xidhiidha markabkii la siidayey oo wasiir waran cadde iyo koox ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada kulmiye ka cadhoodeen.

wasiir

Markabkii hubka siday ee MV-SHAKIR oo xukuumada Somaliland fasaxday ayaa waxa la sheegay in ay arintani ka cadhoodeen wasiirada gaashandhiga iyo waliba wasiirka arimaha gudaha oo isagu hubka ka soo dajiyey in kastoo madaxweynaha jamuuriyada Somaliland iyo wasiiirka ka ag dhaw ay fasaxeen markabkaasi oo sida la sheegay ay dawlada sudan ay lahayd.

Kulankani shalay ku dhex maray madaxweyne ku Xigeenka Somaliland iyo wasiirka daakhiliga ayaa sida ilo xogogaal ahi sheegeen laga wada hadlayey arintii markabkii iyo waliba dajin wasiiradii ka cadooday arintaasi,.

Sida ilo xogogaal ahi sheegen ayaa waxay tilmaameen in wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada wasiirka arimaha dibada iyo wasiiro kale ay soo dhaweeyen sii daynta markabkii hubka siday halka ay wasiiro ay ka mid yihiin arimaha gudaha gaashanadhiga iyo wasiiro kale ay ka cadhoodeen arintaasi.

Xafiiska war-Qabadka Hargeisa
Hargeisa Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here