Madaxweyne ku xigeenka Punland oo ku guulaystay inaanu xaabsade ka mid noqon wasiiradiisa

0
183

Garowe(SDN)Madaxweyne-xigeenka Puntland ayaa Madaxweynihiisa Cabdiweli Gaas kaga guulaystay inaan Axmed Cabdi Xaabsade lagu soo darin golaha wasiirada ee cusub oo shalay lagu dhawaaqay.

 

Magacaabista Xaabsade oo uu watay madaxweynaha Puntland waxa si adag uga horyimid Madaxweyne xigeenkiisa Cabdixakiim Camey oo nidar ku maray inay isaga iyo wasiirada kal ee Dhulbahante ka dareeri doonaan xukuumadiisa haddii Xaabsade lagu soo daro golaha wasiirada. Waxaanu muranka labada masuul ee Xaabsade ku saabsani afar goor dib u dhigay wasiirada cusub ee shalay lagu dhawaaqay.

 

Xaabsade ayaa wuxuu sidaas kaga baaqday inuu ka mid noqdo golaha wasiirada Puntland, oo shalay lagu dhawaaqay isku shaandhayn, xil ka qaadis yo magacaabis uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here