Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq oo markii ugu horeesay Muqdisho Yimid laguna soo dhaweeyay

0
150

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya soo gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka dalka Ciraaq Iyaad Calawi.yya.

Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne kuxigeenka dalka Ciraaq waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali , Wsaiiro iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Ciraaq ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna halkaasi kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay kawada hadleen xariirka labada wadan ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Iyad Calaawi ayaa waxa ay kulankooda diirada ku saareen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka waxa loogu yeeray argagaxisada Caalamiga ah.

Madaxda kasocotay Dowlada Ciraaq ee maanta soo gaartay Muqdisho ayaa waxa ay sidoo kale kulamo la qataeen madax kale oo katirsan Dowlada , waxa ayna noqoneysa safrikii ugu horeeyay uu Soomaaliya ku yimaado Madaxweyne kuxigeenka Ciraaq Iyaad Calawi oo mar sidoo kale dalkaasi kasoo noqday R/Wasaare.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here