Madaxweyne Gaas iyo Ciidamo gaar ah uu wato oo usoo ambo baxay Magaalada Muqdisho

0
223

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 19-09-2015 usoo ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Weftiga uu hoggaamiyanayo Madaxweynuhu waxaa kamid ah Wasiirada Waxbarashada, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir kuxigeenada Maaliyada iyo Qorshaynta iyo Wasiirudawlaha Madaxtooyada iyo xidhiidhka Gobollada iyo Wasiirudawlaha Caafimaadka iyo Xubno katirsan Golaha Wakiillada ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warfidiyeenada u sheegay intaanu kadhoofin Garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Airport ee Magaalada Gaalkacyo Inuu ujeedka socdaalkoodu yahay kaqayb galka Madasha Wadatashiga Soomaaliyeed oo muqdisho kafurmaya.

“waxaan u ambabaxaynaa magaalada xamar oo aanu kaga qayb geleyno shirka madasha wadatashiga soomaaliyeed, waxaan kaloo rabaa inaan sheego shirka kaqayb galkiisa micnihiisu maaha Puntland mowqifyadeedii ay aaminsanayd inay katanaasulayso dabcan soomaalaa isu imaanaysa waxa ay qabto Puntland-na Madasha ayay kajeedineysaa” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

“Dabcan waxaan shacabka Puntland u cuntamin shirka kasoo qaadi mayno qorshahayagu waxa weeyaan in mowqifka Puntland cadyahay Soomaalina u cadyahay beesha caalamkana u cadyahay” sidaasi waxaa yidhi madaxweyanaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa maalinta burrito ah kafurmidoona magaalada muqsisho waxaana kasoo qaybgeleya Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Madaxweynaha Dawladda Federaalka , Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka , Madaxweynaha Jubba-Land , Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaana uu socondoonaa oo muddo dhan hal maalin oo keliya.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here