Madaxweyne Farmaajo Oo Saaka Moqdisho Ka Dhoofaya

0
299

Moqdisho (SDN)Madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wafti baaladhan oo uu hogaaminaayo ayaa waxaa ay maanta ka dhoofi doonan magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya

Image result for Madaxweyne Farmaajo Oo Moqdisho Ka Dhoofaya

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa ay ku sii jeedan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed .

 

Diyaar garow xoog leh oo lagu soo dhoweynayo ayaa ka socda magaalada, iyadoo ammaankana si aad ah loo adkeeyay , waxaana ujeedka safarka madaxweynuhu la xidhiidha xaaladaha , nabadgalyo iyo mida binu aadan nimo ee ka jirta halkaas.

 

 

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa xidhay waddooyinka magaalada, iyadoo la joojiyay isu socodka gaadiidka, waxaana meelaha qaar loo diidayaa inay dadka socdaan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Baydhabo ayaa noqoneysa tii u horeysay ee gudaha dalka uu ku tago, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay horaantii bishii February.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here