Madaxweyne Erdogan iyo Vladamir Putin Oo kulan Xasaasi Ah Yeeshay

0
114
Turkish President Tayyip Erdogan speaks to Russian President Vladimir Putin (R) during their meeting in St. Petersburg, Russia, August 9, 2016. REUTERS/Sergei Karpukhin

Madaxweynayaasha dalalka Turkiga iyo Ruushka Recep Tayyib Erdogan iyo Vladamir Putin ayaa maanta ku kulmay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, waxaana kulankan uu ahaa mid xasaasi ah ay labada dhinac uga wada hadleen arimo kala duwan.

Vladamir Putin, ayaa sheegay in uusoo dhaweenayo la kulanka Madaxweynaha Turkiga iyo in dib usoo laabto xariirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay labada Dal, waxa uuna cambaareeyay isku daygii afgembii ee ka dhacay Turkiga.

Madaxweyne Erdogan oo dhankiisa hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Ruushka oo kamid ahaa Madaxdi icambaareesay Afgembigii fashilmay, waxa uuna dhankiisa soo dhaweeyay in dib usoo laabto xariirkii ka dhaxeeyay Ruushka iyo Turkiga.

 

Booqashada uu Madaxweynaha Turkiga ku tagay dalka Ruushka ayaa u muuqata mid meesha ka saareysa xariirkii xumaa ee labada Dowladood soo kala dhax galay, waxaana Labada dal aad u doonayaan in dib loo unko xariirkoodii soo jireenka ahaa.

Xariirka Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa xumaaday kadib markii Diyaarad dagaal uu Ruushku lahaa ay soo rideen Ciidamada Cirka Turkiga kadib markii ay kusoo xadgudbeen hawada dalka Turkiga, waxaana taasi keentay in Ruushka uu jarox ariirkii uu la lahaa Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here