Madaxweynaha Weynu U Kordhin Hadii Uu Isagu Talada Hayo

0
164

Waxa la yidhi ninka gar daran iyo beenaalaba hadalkooda ayaa la gartaa. Nac Nac ayaa yidhi ilaa jidka Ceerigaabo dhammaanaayo wuu haynayaa xilka waxa ka horeeyey Aw Samaale oo kuba dhaaran gaadhay inaa cidi diidi Karin korodhsiimo.

hurdo

WAxa yaab ah odaygu waxuu la soo taagan yahay diyaar ayaan ahay oo wax walba dhankeyga waa ka diyaar ee colkani maxay arkaan? Meel fog ha ka doonin ee iyagaa talada haya oo waxay og yihiin inaan cidi dooranayn xaalka odaygu ku jiro, isna Alle ha shaafiyee xis uu ku garto xaalka dalka ma hayo. Waxay ka dhigteen caruusad ay ku ciyaaraan, oo waxay liqsiiyeen waa odhaahda Xirsi inta badan dadka ku yidhaahdo inaan cidi diidanayn. Xirsi ayaa kolka aad arrin ula tagto, waxuu yidhaahda ..horta aan odayga liqsiiyo ee I sug…

WAxay og yihiin inaan talo odaygu haya jirin dadweynahuna ay arkayaan oo doorsho ay iyaga meesha ka saarayso, odaygu ma kala jecla oo khatyaan ayuu joogaa, ee cid baqaysaa ee doorashada dib inoogu dhig leh ee waqtigu ku soo gaabtay waa Awyaasha Gaagaabku u mudan yahay.

Waxa uGu ayaan darran nin meel madhan loo dhiibay oo haddana uGu muusanaab badan..waa Wasiiro Dawlaha debed wareega ah ee Maaliyadda INa Saxardiid, Cadaani…waaba ka oohin isagu..waar Alle isku xidh, isagaa halkan kuu gartay, meel dhaantana ku geyn kara..

Midbaan leeyahay Madaxweyne inaad talada hayso na tus anagaan kugu celin doonee. Eri kuwaan ummadda kaa eryey, waa haddaad wax garasho kugu hadhay. Dimuquraadiyadda cidda ay dadku diidaan waa laga hor qaadaa haddii kale iyaga iyo adiba waxaydun noqon kab iyo xaarkeed waa leysku tuura.

Muuji doonista dadka oo seeftada ku kala dir oo keyn raggii abaalka kugu lahaa eed ilowday, taas ayaa na tusaysa inaad wax garanayso oo talada laguu dhiibi karo, haddii kale iska naso yaan magacaaga dambi lagu gelin intaas in ka badan, yaan fartaada lagu dhuuqin maal xaraan ah.

Alle ha ku shaafiyo oo ha ka tuso haweenka meel dhow wax ka arkaaya iyo kuwa diricooda haysta ee magacaaga dilaaya. Alle maxaad cadow soo xareysatay, iyo nin ku neceb oo kula gaadaaya gudin iyi waran iyo kolkay ku habboontay…Allow sahal.

Abdi Haji Ahmed

hargeysawi@ymail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here