Madaxweynaha Somaliya Oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoomay Safiirka Dalka Jarmalka

0
258

Moqdisho (SDN) Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta warqadaha Aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka dowladda Jermalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.

Image may contain: one or more people, people standing and indoor

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jermalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xidhiidhka Taariikhiga ahaa ee labada dal.

 

 

 

Sidoo kale, kulankooda ayaa waxaa diirada lagu saaray, arrimaha abaaraha Soomaaliya iyo sida dowladda Jarmalka ay uga qeyb-qaadan laheyd.

Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.

Image may contain: 2 people, people sitting and suit

Image may contain: 2 people, people sitting and suit

Image may contain: 3 people, people sitting, suit and indoor

Image may contain: 2 people, people standing and indoor

Image may contain: 2 people, people standing and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here