Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xaflad 350 Guri Loogu Qaybiyey Danyarta Xaafada Ayax 4

0
175

Hargeisa(SDN)Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Qaranka Somaliland isaga oo ka duulaya sinaanta iyo caddaalada shacbiga Somaliland, waxa uu maanta boqasho ku tegay Xaafadda barakacayaasha ee Ayax 4 ama Sheekh Sancaani.

Madaxweynaha oo ka qaybgalay xafladda furitaanka 350 Guri oo cusub looguna talo-galay dadka danyarta ah ee degan qaybka mida caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo 8aad goobood laga soo raray loona qaybiyey 350 ka guri oo ay iskood u yeelan doonaan dadkaasi laga bilaabo maanta, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Kayd biyood oo xaafadaasi loo sameeyey.

DSC_0071

Talaabadan oo noqon doonta mid dhiiri-gelindoonta guud ahaan danyarta dalka ayuu madaxweynuhu goobjoog ka noqday, una mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay dhismeyaashan iyo deegaamaynta dadka danyarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here