Madaxweynaha Oo Markii Shanaad Seefta La Garab Maray Wasiiradda Beeshiisa Iyo Wasaarado Dhaliilo Badani Dugsanayaan + Dareenka Bulshada

0
143

Hargeisa(SDN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa isku badelkii , xilka qaadistii iyo Magacaabistii shanaad ku sameeyay Golihiisa Xukuumada tan iyo intii ay uu soo dhisey  xukuumadii u horeysay, isagoo aan xagooda dayin Wasiiradii kasoo jeeday beeshiisa gaar ahaana kuwa sida aadka ah loo hadalhayo inta badan oo ay kamid Yihiin Wasiirada Macdanta iyo Tamarta,Duulista Hawada iyo Madaxtooyada, taas oo noqoneysa markii shanaad ee nooceeda ah oo aan dhinacooda loo kicin Wasiirada beesha Madaxweynaha kasoo jeeda.

 Madaxweynaha Oo Markii Shanaad Seefta La Garab Maray Wasiiradda Beeshiisa Iyo Wasaarado Dhaliilo Badani Dugsanayaan + Dareenka Bulshada

 
Inkastoo Warsaxaafadeedka Kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Xilkaqaadista Iskubadelka iyo Magacaabista Madaxweynaha Somaliland soo baxay saacidihii lagu yaqaanay, ee niska habeenimo iyadoo, ay ku beeganto had iyo jeer xili dadweynaha intiisa badani ka hurdo,

 

 

 

hadana, shaki kuma jiro sida ay u hadalhayaan dadka u kuurgala Siyaasada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in bulshada Somaliland inteeda ugu badani fkir culus ka qaadan doonto asbaabaha arimaha isku shaandheynta,iyo Xilkaqaadista Madaxweynaha Somaliland ay mar walba uga badbaadayaan Wasiirada loogu hadalka badan yahay ee kasoo Jeeda Beeshiisa oo iyagu isu muujiya in ay talada hogaanka dalka ee Wakhti xaadirkan Siyaasada Madaxweynuhu ku wado wax ku leeyihiin islamarkaana, had iyo jeer laga dareemo awoodaha ay talada dalka ku leeyihiin,Wasiir Xirsi,Maxamuud Xaashi,iyo Xuseen Cabdi Ducaale.

 
 
Arimaha kale ee iskushaandheynta iyo xilka qaadistan Madaxweynuhu ku sameeyay Golihiisa Xukuumada ka muuqda waxa siweyn looga dareemayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland,Cali Wrancade oo kamid ahaa Wasiirada dhaliilaha ugu culusi ku gedaanaayeen oo aanu u juuqin iyo,Taliyayaasha ciidanka qaarkood oo la filayay in ay xilkii Qaranka u gudan waayeen sidii la rabey oo aanu ku darin halka uu ka doontey Ciidamada Badda,Asluubta iyo meelo kale  iyo xubno kale oo iyaguna katirsan Golaha Wasiirada waxaana arimaha ugu waaweyn ee Digreetadan caawa soo baxdey ka dhex muuqda ama laga dheehan karo kamid ah in Wasiirada uu Xukuumada uu ku lahaa Wasiirka Madaxtooyada ee had iyo jeer loo tiriyo in isagu Golaha Xukuumada kusoo darsadey, oo ay Kamid yihiin Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta,Warfaafinta,Beeraha iyo kuwa kale   aan midkoodna la taaban marka laga reebo laba Wasiir Kuxigeen oo laga kexeeyay Wasaaradihii ay hore ujoogeen.

 

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan

Sources:Hadhwanaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here