Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Ka Hadley Aragtidiisa Dagaalkii Ciraaq Lagu Qaadey In Uu Khalad Ahaa Iyo In Uu Sax Ahaa

0
128

USA (SDN)Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa khalad ku tilmaamay dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ee xukunka looga tuuray Saadaam Xuseen, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu ahaa go’aankii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka.

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

 

Trump oo wareysi siinayay wargeysyo ka soo baxa dalalka Britain iyo Jarmalka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dalka Jarmalka uu ku khaldanaa in uu albaabada u furo dadka muhaajiriinta ah ee ka soo cararay waddamada ay colaadda ka taagan tahay. Waxa uu sheegay in ay habboonayd in aag nabdoon laga sameeyo gudaha dalka Ciraaq, kharashka arrintaasi ku baxayana ay bixiyaan waddamada Khaliijka Carabta oo uu sheegay in ay haystaan dhaqaale aad u badan oo aysan jirin cid kale oo haysata.

 

 

 

Dhanka kale, Trump waxa uu sheegay in uu doonayo in uu wax ka badalo heshiisyada ganacsiga ku saabsan ee Mareykanka la leeyahay waddamada caalamka, si buu yir ganacsiga loogu sinnaado.

Waxa uu intaasi ku daray in uu diyaar u yahay in uu heshiis la galo Ruushka, kaa oo lagu yareynayo hubka niyuukleerka, taa badalkeedana Mareykanka uu xayiraadaha ka qaadi doono xukuumadda Moscow.

Mar uu ka hadlayay arrinta gaashaanbuurta NATO, ayaa Trump waxa uu sheegay in waddamada kale ee xubinta ka ah NATO ay tahay in ay dhaqaalo badan ku bixiyaan gaashaanbuurtani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here