Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Ku Hanjabay Inaanay Nabadda Maamulkiisa Cidna Ka Baryeyn

0
68

Cadaado(SDN)Madaxweynaha Maamulka GalmudugCabdikariin Guuleed, ayaa ku dhaliilay Maamulka Puntland inuu ka masuul yahay dagaal maanta ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacayo.

 

 

 

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay Cadaado, ayaa sheegay in Galmudug ay dulqaad badan sameysay, iyadoo markaasi soo dhaweysay dadaaladii nabadeed ay ku baaqayeen Odayaasha Dhaqanka, Culima’udiinka iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Guuleed, ayaa waxa kale oo uu Puntland ku eedeeyay  in aanay wax ixtiraam ah u muujin, isla-markaana ay dagaal toos ah ku soo qaaday Galmudug.

 

Madaxweynaha waxa uu sheegay inaanay jiri doonin cid ay Galmudug nabadda ka baryeeyn, isla-markaana ay iska difaaci doonto duulaanka uu sheegay in Puntland uu kaga imaanaayo.

 

 

Madaxweynaha ayaa waxaa ka qaylisiiyey 12 ruux  oo maanta ku dhintay dagaal dhex maray labada maamul, iyadoo 19 kalena ay ku dhaawacantay, waxayna dhinacyadii dagaalamay weli isku horfadhiyaan Gaalkacyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here