Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa

0
210

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa shaqadii ka caydhiyay Taliyihii ciidamada Booliska iyo waliba laba guddoomiye Gobol.

Warkan oo lagu baahiyay telefishanka afka dawladda ku hadla ee SSBC ayaa waxa uu intaasi ku daray in taliyaha cusub loo magacaabay in uu noqdo Majak Akech Malok, kaas oo bedel u noqon doona Taliyihii hore ee ciidamada booliska Saeed Chawul Lom.

Majak Akech Malok ayaa hore u ahaa agaasimaha bixinta dhalashada, Baasaaboorka iyo laanta socdaalka ee wadankaasi.

sidoo kale waxa uu Mr Kiir shaqadii caydhiyay Guddoomiyihii Gobolka  Tonj  oo lagu magacaabi jiray Akech Tong Aleu  iyo guddoomiyihii gobolka  Yei River oo isna la odhan jiray David Lokonga Moses, waxaanu bedelkooda u magaacabay Bol Madut and Emanuel Adil.

waxa uu iyagana shaqadii ka caydhiyay safiiro wadamo dibada ah u joogay dalka Koonfurta suudaan, waxaanay kala yihiin safiiradda iyaguna xilalkoodii waayay George Francis Nazario, Emanuel Yohanis Yor, Christopher Leonard Jada, Mohamed Ismail Faraj, Jago Arop Yor, Nyawaragak Joshua Dei Weang, Zahra Mohamed Hassan, Kamal John and Isaac Weal Majak.

ilaa iminka wax faahfaahin ah kamay bixinin xukuumada wadanka suudaan xil ka qaadista iyo  isku shaandhaynta lagu sameeyay saraakiishaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here