Madaxweynaha Kenya Oo Ka Hadlay Qodobo Ay Ka Wada Hadleen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Nairobi Ku Sugan+Sawirro

0
95

Kenya(SDN)Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha dibada dalka Maraykanka oo Caasimada Kenya Socdaal ku jooga. John Kerry oo gogol xaadh u ah socdaal la filayo in Madaxweynaha Maraykanku Kenya ku yimaado ayaa arrimo dhanka dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo xidhiidhka labada dal kala hadlay Uhuru Kenyatta.

 

Madaxweyne Uhurur Kenyatta, ayaa kulamada Mr Kerry kadib sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan maalgalin Maraykanku ku sameeyo Kenya si Dhaqaale iyo shaqo loo abuuro, Arrimaha amaanka iyo socdaalka la filayo in Madaxweyne Obama ku yimaado Kenya

 

“Waxaanu falanqaynay sidii loo fududayn lahaa ganacsi Maraykanku ka sameeyo Kenya, iyo fursadaha Shirkaddaha Maraykanka uga banaan Kenya. Dawladdaydu waxay doonaysaa inay hesho Kambaniyo badan oo maraykan ah oo maalgashada Kenya, gaar ahaan dhinacyada  Isgaadhsiinta Casriga ah(ICT), Tamarta,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Caafimaadka” ayuu yidhi Mr Kenyatta.

 

Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in dalkiisu Maraykanka uga baahan yahay taakulayn dhanka amaanka ah “Waxaanu ka wada hadalnay haddidaada nooga imanaysa Argagixisada iyo sidii Maraykanku Kenya uga taageeri lahaa. Kenya waxay u baahan tahay in laga taageero dhinacyada tababarada,qalabka iyo baadhista. Dawladdaydu waxay jeceshahay inay si dhaw ula shaqayso Maraykanka si  loo xakameeyo dhqaalaha Argagixisada” ayuu yidhi Mr Kenyatta.

 

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay Xoghayaha Maraykanka ka wada hadleen sidii loo xasilin lahaa wadanka Koonfurta Sudan iyo Somalia. Waxa uu sheegay in John Kerry ku amaanay doorka Kenya ka qaadato dejinta Colaadaha Somalia iyo South Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here