“Madaxweynaha Kaliya Ee Caalamka Ka Jiraa Waa Ismaciil Cumar Geelle “.. Gudoomiye Muuse Biixi

0
172

Hargeysa(SDN)Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha kaliya ee  caalamka ka jiraa uu yahay Madaxweynaha Dawlada Jabuuti muddane Ismaciil Cumar Geelle.

muuse

Gudoomiye Muuse Biixi Oo Hadlkan ka yidhi munaasibad  loo qabtey shaacinta  safaarad ay  dawlada jabuuti  ka furatey   Somaliland  waxaana  uu  hadalkan ka soo yeedhay gudoomiyaha  bulshada Somaliland   u micneysan kartaa mid uu ku xaqiraayo jiritaan madaxweynaha Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo ka mid ah madaxweynayaasha Caalamka Ka Jira

Muuse Biixi oo arintan ka hadayaa waxuu yidhi   “Madaxweynaha kaliya ee caalamka ka jiraa waxaan u aqoonsanahay in uu yahay madaxweyne Imaciil Cumar Geelle ” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

Hadalkan Gudoomiye Muuse Biixi  ka soo yeedhay ayaa waxaa uu  ku soo beegmayaa maalmo ka hor markii xukuumada Jabuuti ay  ka soo yeedheen   hadal u muuqda mid lagu xaqiraayo jiritaanka iyo dawladnimda Somaliland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here