Madaxweynaha Jubaland Oo Goordhawayd Gaadhay Garoowe+Xogo Ku Aadan

0
145

Wararka ka imaanaya Magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntiland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno katirsan Maamulkiisa ay goordhaw gaareen Magaalada Garawe.

 

Sheekh Axmed Madoowe waxaa safarkiisa ku wehliya ku-xigeenkiisa C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil Ciidan, waxaana garoonka Garawe kusoo dhaweeyay Madaxda sare ee Maamulka Puntiland.

 

Sida aan Wararka ku heleyno ujeedka Socdaalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa la xariirta sidii uu gacan uga geesan lahaa dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka kasocday Magaalada Gaalkacyo.

 

Sheekh Axmed Madoobe ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Maamulka Puntiland uu kala hadli doonaa Xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo sidii xiisadaasi wadahadal iyo is fahan loogu dhameyn lahaa.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu sidoo kale qorsheenayo in uu socdaal ku tago Magaalada Cadaado iyo Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna la kulmi doonaa Madaxda Maamulka Galmudug oo iyana uu kala hadli doonaa sidii xiisada Gaalkacyo loo qaboojin lahaa.

 

Magaalada Gaalkacyo waxaa hada ku sugan Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaa oo ku mashquulsan sidii loo xalin lahaa colaada ka dhax aloosan Maamulada Galmudug iyo Puntiland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here